Ciidamada ammaanka oo soo afjaray weerarkii Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga+Tirada Khasaare

0
689

Ciidamada ammaanka oo soo afjaray weerarkii Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga+Tirada Khasaare

Ciidamada ammaanka ayaa goor dhow soo afjaray weerarkii maanta barqadii lagu qaaday xarunta loo yaqaano Oto Oto oo ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Wakaaladda wararka ee SONNA ayaa sheegeysa in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarka goor dhow oo duhurnimadii maanta aheyd.

Xaruntan ayaa lagu weeraray gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo dabley hubeysan oo gaarayay saddex dagaalame ay gudaha u galeen.

Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseyn muddo saacad ka badan socotay kaddib ay ciidamada amniga ku guuleysteen inay dilaan saddexda dagaalame oo gudaha u galay xarunta.

Ma jirto war rasmi ah oo ku aadan tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inay jiraan khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaartay askar, qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada iyo dad kale oo wadada marayay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, kaasoo noqonaya weerarkii u horeeyay noociisa oo xarun dowladeed lagu qaado in muddo ah.

Xarunta la weeraray oo loo yaqaano Oto Oto waxaa deganaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Amniga Gudaha oo sanad ka hor loo soo raray, waxayna sidoo kale aheyd xarunta War la liska Booliska ee taleefanka loo yaqaano 888.

Waa goob aad loo ilaaliyo, waxaa ka ag dhowaa koontaroolka Isgoyska Sayidka oo laga sugo ammaanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

dhanka kale Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkii lagu qaaday xarunta Otto Otto.

Dadka dhintay ayaa iskugu jira, shaqaale dawladeed, dableydii weerarka qaadday, ciidanka amniga ee dawladda iyo dad rayid ah.

Dhaawaca ayaa inta isna la xaqiijiyey kor u dhaafaya 20 qof.

Wararka ay tabinayeen qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ayaa sheegaya inay jiraan dad ka soo booday dabaqyada dhismaha.

Sidoo kale waxay wararkii u dambeeyey sheegayaan in sharqanta rasaasta ay hadda yaraatay.

 

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here