Maayar Reer Somaliland Ah Oo Donald Trump Ka Mamnuucay Inuu Bookhasho Ku Yimaado Magaalada Uu Maayarka Ka Yahay Oo Ku Taalla Dalka Ingiriiska

0
837

Maayar Reer Somaliland Ah Oo Donald Trump Ka Mamnuucay Inuu Bookhasho Ku Yimaado Magaalada Uu Maayarka Ka Yahay Oo Ku Taalla Dalka Ingiriiska

Muwaadinka reer Somaliland ah oo Maayir ka ah magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska, Maajid ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ka mamnuucayo inuu booqasho ku yimaado magaalladdaasi, marka uu Donald Trump bishan 13-da booqashadda ku tago dalka Ingiriiska.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu Maayar Maajid ku xusay inuu Madaxweyne Trump nin wasaq ah (Wasteman), waa sida uu hadalka u dhigay oo aan mudnayn inuu soo booqdo magaalada uu Mayaarka ka yahay.

Maayar Maajid oo 27 jir waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay Sawirkiisa, isagoo wata Fannaand ay ku qoran tahay “Trump is wasteman”.

Maayarka oo watay Koofiyadda ay dadka Meksikaanka caanka ku yihiin waxa uu sheegay in maalinta uu Madaxweyne Trump imaan doono dalka UK bishan 13-da uu u aqoonsaday Maalin taageero loogu muujinayo dalka Mexico.

Wareysi uu siiyey Wargeyska METRO, waxa uu sheegay inuu Donald Trump wasakh ku yahay falkii uu ku xabisay Carruurta ee Xuduudka dalka Mexico, wuxuuna intaasi ku daray inuusan aqoonin wax uu ku tilmaamo Donald Trump

Duqa magaalladda Sheffield ee dalka Britain, Maajid Maajid oo 28-jir waxa u soo jiitay Dareenka Warbaahinta, isagoo ah Maayarkii ugu da’da yar ee xil ka qabta magaalladda Sheffield ee Koonfurta YORKSHIRE.
Maajid Maajid waxa uu dalka Britain tegay isagoo 5 jir sannadkii 1994-kii, wuxuuna noqday Maayarkii ugu horreeyey ee ka tirsan Xisbiga Cagaaran “Green Party” iyo qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo xilkaasi qabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here