SANAAG: Qoys Ka Kooban 9 Qof Oo Ku Sumoobay Caano Ay Cabeen

0
717

SANAAG: Qoys Ka Kooban 9 Qof Oo Ku Sumoobay Caano Ay Cabeen

Sida uu BBC u sheegay Dr. C/risaaq C/laahi Aw Yuusuf, qoys ka oo ka kooban 9 xubnood ayaa habeennimadii 30ka Juun cabay wax loo malaynayo inay ahaayeen caano ay ku sumoobeen.

Dadkaas oo ku nool deegaanka Xingalool ee gobolka Sanaag ayaa sida uu dhakhtarku sheegay waxaa subaxnimadii la geeyey xarun caafimaad oo ku taalla isla deegaanka, halkaasoo daryeel caafimaad loogu fidiyey.

“Dadka qaarkood Kooma ayey ku jireen, qaarna kuma aysan jirin, markii aan baarnayna waxaan ogaannay inay isticmaaleen wax ay ku sumoobeen” ayuu yiri Dr C/risaaq.

Xarunta caafimaadka ee Xingalool ee qoyska lagu dabiibayo

Baaritaan intaa dhaafsiisan ayuu sheegay in lagu sii samayn doono, oo sheybaar loo diri doono dheecaanno iyo dhiigagba, wuxuuse intaa ku daray inay haysato dhibaato xagga dawada ah, isagoo sheegay in dawadu ay gabaabsi tahay.

Xaaladda dadkaas ayuu sheegay in hadda ay ka soo fiicnaaneyso sidii ay ahayd markii la keenay xarunta caafimaadka.

Waxaa la rumaysan yahay in xoolaha caanaha laga lisay ay ahaayeen kuwo dawooyin la siiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here