Maxay usoo badatay tirada haweenka reer Afghanistaan ee is dilaya?

0
691

Maxay usoo badatay tirada haweenka reer Afghanistaan ee is dilaya?

Jamila ayaa isku dayday in ay isdisho kadib markii ay dareentay in seygeedii uu deeyriyay kaasi oo go’aansaday kaddib lix sano oo ay isku mehersanaayeen uusan doonayn in uu guursado sababtoo ah dad’deeda ayaa weynaatay.

Jamila haatan waa 18 sano jir, qoyskeeda ayaa ku nikaaxay ninka iyadoo da’deedu tahay 12 sano jir. Hooyadeed ayaa geysay isbitaal ku yaalla magaalada Herat, halkaasi oo looga daweyay suntii ay cabtay.

Jamila ayaa ka mid ah kumanaanka dumar ee reer Afqaanistaan ah ee sanadkasta isku dayaya in ay isdilaan.

Ku dhawaad 3,000 ayaa sanadkasta isku daya in ay gacantooda qudha isaga jaraan.

Marka la is barbardhigo dunida oo dhan ragga iyo dumar is dila waxaa aad u badan ragga, balse dalka Afghanistan boqolkiiba 80% waxaa isdila dumarka.

Tirada haweenka is dilaya ayaa kusoo badatay Afghanistaan

Waxaana laga cabsi qabaa in sanaddada soo socda ay intaasi ka sii kororto tirada.

Waxyaabaha loo aaneeyo in ay is dilaan dumarka waxaa ka mid ah guurka Khasabka ah.

Sida ay shegeyso hay’adda qaramada midobay u qaabilsan caruurta ee Unicef, boqolkiiba 25 gabdhaha afqaanistan waxaa la guursadaa iyagoo 18sano ka yar.

Pakistan oo dhisida gidaar ka bilowday xuduudda Afghanistan

Beeraha maandooriyaha opium ee Afghanistan oo sare u kacay

Sida UNICEF ay sheegtay in gabdho badan la guursado iyagoo da' yar dalka Afghanistaan

Macluusha iyo shaqo la’aanta ayaa la sheegay inay yihiin dhibaatada ugu wayn ee walacaa ku haya dumarka Afghanistaan, sida ku xusan sahan ay samaysay sannadkii 2017-kii Asia Foundation.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here