Hawenay La Shaaciyay Iney “Dhimatay” oo Frinjeerka Maydka Laga Helay Iyadoo Nool

0
833

Hawenay La Shaaciyay Iney “Dhimatay” oo Frinjeerka Maydka Laga Helay Iyadoo Nool

Haweenay lagu dhawaaqey geerideeeda kadib markii ay shil gaari ku soo waxyeelloowday dalka Koonfur Afrika, ayaa hadda lagu daaweynayaa isbitaal, kadib markii firinjeerkii ay ku jirtay laga helay iyadoo neefsaneysa.

Haweenaydan oo aan magaceeda la shaacin ayaa laga qaaday isbitaalka oo la geeyay qolka maydka lagu diyaariyo ee Carletonville oo ku yaalla gobolka Gauteng ee K/Afrika, kadib markii naf laga waayay. Laakiin, shaqaalaha qolka maydka lagu kaydiyo mid ka mid ah oo isku dayay inuu maydka xaaladdiisa eego ayaa arkay iney weli neefsaneyso, isla markiiba isbitaalka ayaa loola cararay si daawooyinkii lagama maarmaanka ahaa ay u hesho.

Shirkadda gurmadka degdegga ah ee haweenaydan soo qadday ayaa isku difaacday in haweenayda laga waayay wax tusinaya iney weli nooshahay.

Maamulaha shirkadda “Distress Alert” ee gurmadka degdegga ah, ayaa wargeysa TimesLive u sheegay: “Arrintani kuma dhicin tababar la’aan haysta shaqaalaheenna.”, waxa uu sheegay in shaqaaluhu ay raaceen baratakoolladii loogu talagalay in lagu ogaado nolosha iney haweenayda nololi ku jirto iyo in kale, waxey eegeen neefsashada iyo garaaca wadnaha.

Warbixinno gudaha K/Afrika laga helayo ayaa sheegaya in haweenaydan ay ka mid ahayd dhowr qof oo shil gaari ku waxyeelloobay June 24-keedii, shilkaas labo qof ayaa ku dhimatay dad kalena wey ku dhaawacmeen.

Beet Hive Stream ?@yceek

‘Dead’ woman is found alive in a morgue fridge after being declared killed in a road accident in South Africa http://www.dailymail.co.uk:80/news/article-5909177/Dead-woman-alive-morgue-fridge-road-smash-South-Africa.htmldailymail.co.uk/news/article-5 

‘Dead’ woman is found alive in a morgue fridge after road smash

The unnamed woman had been taken to Carletonville morgue near Johannesburg, South Africa after showing ‘no form of life’ in the wake of a road smash.

dailymail.co.uk

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here