Madaxwayne Biixi Oo Kulan Qarsoodi Ah Madaxtooyada Kula Yeeshay Salaadiinta Beesha Habar-Jeclo Iyo Arrimaha Ay Ka Wada-hadleen

0
1153

Madaxwayne Biixi Oo Kulan Qarsoodi Ah Madaxtooyada Kula Yeeshay Salaadiinta Beesha Habar-Jeclo Iyo Arrimaha Ay Ka Wada-hadleen

Hargeisa (Dalmar-News):-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii shalay xafiiskiisa ku qaabilay Salaadiinta Beesha Habar-jeclo inkasta oo kalanka ay ka maqnaayeen mid ka mid ah beelaha ugu wayn Beesha Habar-jeclo oo iyaganu si gaar ah maanta kulan ula qaatay Madaxweynaha.

Markii kulankani bilaabay ayaa waxaa markiiba layska waraystay arrimo doora ah oo uu ka mid yahay Dagaalka Ceel-afwayn iyo shirka Garxajis waxaana ay salaadiinta Beeshaasi doonayeen in ay madaxwaynaha kala hadlaan tabashooyin ay qabeen balse waxaa markiiba hadalka qaatay oo muddo yar ka diba weedho muusanaw  iyo beer-laxowsi iskugu jira hadalka ku bilaabay Madaxweyne Muuse Biixi waxaanu sheegay in uu ka warwarsan yahay Beesha Garxajis iyo in uu ka cabsi qabo in dagaalka Ceel-afwayn xal loo waayo.

Waxaanu ka cadsaday salaadiinta in ay kala qayb qaataan daminta colaada Ceel-afwayn walow ay kulankaasi ka maqnaayeen Beesha Biciido iyo Salaadiintoodu oo ka mid ah beelaha dirirtu ka dhaxayso Deegaanka Ceel-afweyn.

Wararka kulankan ku saabsan ee helayo ayaa sheegaya in dhinaca kale Madaxwayne Biixi ay salaadiinta ka wada hadleen in xulufo ahaan ay madaxwaynaha ula shaqeeyaan oo Beesha Biciido iyo salaadiinteeda bari oo maanta ah ay kulanka dambe ka mid noqdaan, inkasta oo warar aan la xaqiijin ay u sheegeen shabakadda Barigaafrikanews.com in maanta uu kulanku gaar u ahaa Beesha Biciido iyo Madaxweyne Muuse Biixi, wallow la sheegay in kulan ay ka maqnaayeen xubno muhiim ah oo uu ka mid yahay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow.

Dhawaan ayay ayay ahayd markii Mudane Biixi uu sheegay in Deegaanka Ceel-afwayn Bishan Kowdeeda loo dirayno Odoyaal ay ka mid yihiin Madaxwaynahii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxwayne ku xigeenadii hore inkasta oo aanu qorshahaasi suurto galin Madaxtooyaduna sheegin sababta baajisay.

Shirkii beelaha Garxajis ee shalay lagu soo gabo-gabeeyay Buurta Gacan-libaacx ayaa dareen dhinacyo badan leh ku abuuray Xukumadda Muuse Biixi.

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Hargeisa/Somaliland
Dalmarnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here