DAAWO : Puntland Oo Ka Jawaabtay Warar Sheegaya In Madaxweyne Gaas Uu Ka Shakiyay Ciidamadiisa Ku Sugan Deegaanka Tuke-raq

0
869

DAAWO : Puntland Oo Ka Jawaabtay Warar Sheegaya In Madaxweyne Gaas Uu Ka Shakiyay Ciidamadiisa Ku Sugan Deegaanka Tuke-raq

Warar todobaadkan warbaahinta Puntland si weyn u baahisay ayaa sheegay in Cabdiwali Gaas shaki weyn iyo walaac ka muujiyay ciidamada uu isugu keenay jiidda Tukaraq isaga oo ka warwarsan in ciidamada qaar ka amar qaataan siyaasiyiin musharraxiin ah taasna ay keento in ay amar diido ku sameeyaan ajandihiisa ugu weyn ee dagaalka Tukaraq oo ah in uu muddo korodhsi ku helo.

Wararku waxay sheegeen in aanu Cabdiwali Gaas ogolayn in dagaal iyo nabad midna lagu dhammeeyo xiisadda Tukaraq ka hor inta uu hirgalayo ajandihiisa ah muddo korodhsiga waxaanu sida wararku sheegeen Khamiistii golihiisa wasiirrada siiba masuuliyiinta ka soo jeeda Karkaar u sheegay walaac uu ka qabo ciidamo degaannadooda kaga soo biiray jiidda Tukaraq oo uu ku tilmaamay kuwo siyaasadaysan.

Cabdillaahi Maxamed Barre (Caato) guddoomiyaha gobolka Karkaar ayaa wararkan ka difaacay Cabdiwali Gaas,

 

Halkan hoose ka DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here