ONLF iyo Ururo kale oo ka dagaalama dalka Itoobiya oo laga saarayo Liiska Argagaxisada

0
720

ONLF iyo Ururo kale oo ka dagaalama dalka Itoobiya oo laga saarayo Liiska Argagaxisada

 

Ururka ONLF iyo ururo kale oo ka dagaalama qeybo kamid ah dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in dhawaan DowladaItoobiya  ka saarto liiska waxa loogu yeero kooxaha Argagaxisada ah.

Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa Baarlamaanka dalkaasi u gudbiyay qaraar looga codsanayo in Liiska Kooxaha Argaxisada ah looga saaro Ururada OLF, ONLF iyo Ginbot 7, oo kamid ah Ururada mucaaradka ku ahaa dowlada Itoobiya.

Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa horey u ansixiyay in cafis loo fidiyo Ururada iyo shaqsiyaadka loo heestay in dambi qaran galeen , waxa ayna Wasiirada sidoo kale meel mariyeen qaraar looga saarayo liiska argaxisada kooxahan ka dagaalama Itoobiya.

Go’aankan kasoo baxay Xukuumada Itoobiya ayaa ah mid lagu doonayo in lagu soo afjarto colaada dalkaasi qeybo kamid ah ka aloosneyd, waxa ayna dowlada dooneysaa in ay heshiis la gaarto kooxaha mucaaradka ku ah dowlada ee isugu jira kuwa hubeesan iyo kuwa aan hubeesneyn.

Ra’isul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay la yimid isbadalo waa weyn, waxa uuna R/Wasaaraha doonayaa in uu wax badan ka bedelo siyaasadii xir xirneyd ee Itoobiya .

Ururka ONLF oo u dagaalama in dhulka Soomaali galbeed ka go’ Itoobiya ayaa sanado badan dagaalo kula jirtay dowlada Itoobiya, waxaa sidoo kale Ururka sanadkii hore Urur argagaxiso u aqoonsatay dowlada Soomaaliya oo xiligaasi Qalbi Dhagax ku wareejisay dowlada Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here