Faransiiska iyo Argentine, Croatia iyo Denmark oo wada ciyaaraya wareegga 2aad ee Ciyaaraha Adduunka

0
707

Faransiiska iyo Argentine, Croatia iyo Denmark oo wada ciyaaraya wareegga 2aad ee Ciyaaraha Adduunka

 

Wadamada ku jira guruubyada C iyo D ayaa kulamadoodii ugu dambeeyay ee wareegga koowaad ciyaaray maanta iyadoo ay soo gudbeen wadamada Faransiiska, Argentine,Croatia iyo Denmark halka ay hareen xulalka Peru, Australia,Nigeria iyo Australia oo haray.

Wareegga Labaad ayaa waxaa isku soo beegmay Xulalka Faransiiska iyo Argentine sidoo xulka Croatia iyo Denmark ay wada ciyaari  doonaan wareegga 2aad ee Ciyaaraha Adduunka

Xulka Faransiiska iyo xulka Denmark oo kulmay ayaa ciyaartoodii ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah halka uu xulka Peru 2-0 ugaga badiyay xulka Australia.

Wadanka Fransiiska ayaa kusoo baxay kaalinta 1-aad,halka Denmark ay ku soo baxday kaalinta 2-aad.

Guruubka D ayaa kulamadii ay ciyaareen caawa ayaa waxaa si dirqi ah ku soo badisay xulka Argentina kadib markii ay  2-1 ugaga badisay xulka Nigeria oo barbaro ku soo bixi karay caawa.

Hase yeeshee xulka Croatia ayaa sii dheereystay kaalinta koowaad kadib markii ay 2-1 ugaga badisay xulka Iceland oo ku haray wareegga labaad.

Xulalka ka socda qaarada Yurub ayaa ah kuwa ugu badan ee haatan u soo gudbay wareegga labaad iyadoo shalay ay soo gudbeen xulalka Ruushka,Portuqal iyo Spain halka xulalka Faransiiska,Denmark iyo Croatia ay soo baxeen.

Qaarada Afrika dalalka metelayay ayaa  waxaa wareega koowaad ku haray xulalka Masar,Tunisia, Morroco iyo Nigeria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here