Qishka ayey Isku Dayeen Iney Xakameeyaan.. Waxeyse Sababeen Khasaare Maaliyadeed iyo Isku Dhex Yaac Dhanka Airportyada Ah

0
979

Qishka ayey Isku Dayeen Iney Xakameeyaan.. Waxeyse Sababeen Khasaare Maaliyadeed iyo Isku Dhex Yaac Dhanka Airportyada Ah

 

Algeria waxaa ka furantay dood ku aaddan internet-ka oo la jaray imtixaanka dugsiga sare, si loo horistaago Qishka oo ay ardaydu isku gaarsiiyaan dhinaca internet-ka.

Algeria, laga soo bilaabo 2016 waxaa sanad walba xilligan oo kale la jaraa internet-ka, waxey ku beegan tahay xilliga imtixaanka ay ardaydu u fadhiyaan, dhowr jeer ayaa waxaa dhacday in imtixaanka dib loogu celiyo qish ay ardaydu heleen oo dhanka internet-ka lagu faafiyay darteed.

Maalmo ka hor ayaa labada Wasaaradood ee Waxbarashada iyo Boostada iyo Isgaarsiinta oo shir jaraa’id qabtay ay sheegeen in gebi ahaanba la jarayo internet-ka muddo saacado ah inta uu imtixaan lagu jiro oo ay ardaydu u fadhiyaan.

Imtixaanka dugsiga sare ayaa waxaa uu bilowday 20 June isagoo ku eeg maanta oo Isniin ah 25 June, iyadoo maalin kasta ay ardaydu galayaan labo Imtixaan.

Yousef Busherem oo ah khabiir ku takhasusay isgaarsiinta iyo teknolojiyada digital-ka ah oo la hadlay wakaaladda Wararka Anatolia ayaa yiri: “Xukuumaddu waxey haysatay waddooyin badan oo aan ahayn in internet-ka la jaro, si maslaxadda muwaadiniinta iyo shirkadaha aan loo dhibaateyn.”, waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Internet-ka ayaaba sahli kara in qishka lala dagaallamo, laakiin in qishka lagula dagaallamo in internet-ka la jaro, taasi maaha mid wanaagsan.”

Waxa uu caddeeyay: “Waxaa jira qalab shabakadaha lagu xannibi karo goobaha uu imtixaanka ka socodo oo qura, waxaa jira qalab kale oo soo saaraya goobaha qishka lagu faafiyo isla marka lasoo galiyo qishka goobaha internetka.”

Busherem waxa uu tilmaamay inuu qiimeyn ku sameeyay khasaaraha ka dhashay internetka oo la jaro imtixaanka oo soo gaaraya shirkadaha iyo muwaadinka caadiga ah ee internetka ku shaqeysta, waxaana uu yiri: “Saacaddii kaliya ee internet-ka la jaro, maalaha uu imtixaanku socdo waxaa ka dhalaneysa khasaare dhan 3.5 billion oo diinaar ah ugu yaraan, waana lacag ku dhowdhow 30 milyan oo dollar.”

Sanadkan waxaa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare u fariisatay 700,000 (todobo boqol oo kun oo arday), waxaa ilaalinayay imtixaanka 18 kun oo boolis ah iyo kumanaan ka tirsan ciidanka “National Gendarmerie” oo ah ciidan ay leedahay wasaaradda difaaca, waa sida wasaaradda waxbarashada dalkaasi ay sheegtay. Dadka reer Algeria ayaa gaaraya 41-milyan oo qof.

Maandeeq FM  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here