Boolis ka howlgalayey Magaalo dhan oo xabsi lagu guray & Sababta ka dambeysa

0
949

Boolis ka howlgalayey Magaalo dhan oo xabsi lagu guray & Sababta ka dambeysa

 

Guud ahaan askartii ka tirsanayd magaalada Ocampo ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii la dilay musharax u taagnaa xilka duqa magaalada.

Arrintan waxa ay ka dhacday magaalada Ocampo ee dalka Mexico, waxaana dhacday in la diley Fernando Ángeles Juárez oo ahaa musharax u taagan xilka duqa magaalada Ocampo.

Wax ka badan 100 siyaasiyiin ah ayaa lagu diley dalka Mexico, ka hor doorashooyinka 1-da July dhacaya.

Askarta booliiska magaaladan ayaa ka koobnaa 27 askari, kuwaasoo dhammaantood xabsiga loo taxaabay saacadihii hore ee Axadda.

Dilka musharaxa ayaa waxaa looga shakiyay xoghayaha amniga ee magaaladan, kaasoo markii ciidamadda federaalka ay soo gaareen magaalada is hor taagay booliiska.

Balse saraakiisha federaalka ayaa la yimid ciidamo dheeraad ah, kadibna xabsiga u taxaabay dhammaan askartii booliiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here