Madaxweyne Donald Trump Oo Si Weyn U Difaacay Qorshahiisa Ku Aaddan Qaxoontiga

0
923

Madaxweyne Donald Trump Oo Si Weyn U Difaacay Qorshahiisa Ku Aaddan Qaxoontiga

(DLN-Washington)-Madaxweyne Trump oo si weyn udifaacay qorshahiisa ku aaddan qoxootiga oo sheegay inuu qorshahiisa uu mareykanka uu ka dhigayo dal xooggan.

Trump oo ka hadlayey Las Vegas, sharciga mareykanka u yaalla ee qoxootiga ku saabsan ayaa wxuuu ku tilmaamay wax lagu qoslo wuxuuna Mareykanka uu uga digay inuu noqdo dal ay qarqiyeen malaayiin qoxooti ah oo ay khatar halkaasi uga timaaddo.

Sharciga Trump iyo guud ahaan waxa uu ka damacsan yahay arrimaha qoxootiga ayaa cambaareyn weyn looga soo jeediyey caalamka iyada oo weliba la sheegay Trump siyaasaddiisa in laga cabsi qabo mid dalka u horseedo iney dalka ka abuurmaan kooxa burcad ah oo sharciga ku xad gudba.

Hadalka Trump ayaa ku soo beegmaya xilli aad loo cambaareeyey mowqifkiisa ku aaddanaa in carruurta iyo qoysaskooda lagu kala reebo xadka ay wadaagaan Mexico iyo Mareykanka inta ay soo tallaabin, inkasta oo uu dib ka oggolaaday qoysaska hadda ku sugan ee carruurtooda laga reebay in la iisu geeyo iyaga iyo waaliddiintooda.

Xaaska Trump Melania trump waxay ka mid tahay dadka sida weyn u dhaliilay mowqifka uu Trump iska taagay carruurta iyo qoysaskooda in la kala reeba, iyada oo weliba booqatay halka ay ku sugan yihiin carruurta oo ku taallo texas.

Xaaska Trump MelaniaImage captionXaaska Trump Melania

Afhayeenka aqalka Paul Ryan ayaa sheegay in xeerkani cusub uu xal u noqonayo mushkiladan iyo dadka faraha badan ee ku qulqulaya gudaha Mareykanka ee magangelyo doonka iyo tahriibka isugu jira, kuwaa oo keentay in 2,300 carruur ah la gala haro waalidiintooda tan iyo shanti bishii May ee aynu soo dhaafnay.

Waxaa walaac ballaaran laga muujiyay waalidiinta dalka laga dhoofiyo iyagoo aanay la socon carruurtii ay wateen oo laga reebay. Garyaqaannada arrimaha socdaalka ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan waalidiin badan oo dalka laga dhoofiyay iyagoo aan ciyaalkoodii la socon, waxaana xitaa jira waalidiin dalka laga dhoofiyay intii aanay helin carruurtoodii.

Xildhibaan John Lewis oo u ololeeya xuquuqda dadka oo ka hadlay shir jaraaid oo ka dhacay washington wuxuu yiri waa in la joojiyaa siyaasadda noocan ah ee lagu kala reebayo carruurta iyo waalidiintooda.

Madaxweyne Trump oo aan wax caddeyn ah iyo daliil u cuskan ayaa sheegay in kumanaan qof aysan ahayn ee malaayiin ay soo gali doonaaan gudaha Mareykanka, waa haddii buu yiri aan tallaabo adag la qaadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here