Itoobiya oo dhex dhexaadineysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta

0
772

Itoobiya oo dhex dhexaadineysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta

Dowladda Itoobiya ayaa la filayaa inay dhex dhexaadin ka dhex sameyso dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo bilihii la soo dhaafay xiriirkooda uu xumaaday.

Dadaalada xalka diblomaasiyadeed ee Itoobiya u raadineyso inay dib u soo celiso xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka dambeeyay markii Sabtidii la soo dhaafay uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, iyadoo wada hadalo labada dhinac ay yeesheen ku heshiiyay in dowladda Itoobiya maalgashi ku sameyso illaa afar dekadood oo Soomaaliya ku yaalla.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku yimid Muqdisho ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeysay, maalin ka hor markii Dhaxal sugaha Dhaxal Sugaha Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed uu booqasho ku tagay Addis Ababa, waxaana Imaaraadka Carabta uu Itoobiya siiyay lacag gaareysa illaa saddex bilyan oo deyn ah, kaddib markii lacagta ajnabiga ay ka yaraatay Bankiga Dhexe ee Addis Ababa.

 

 

 

Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyadeed oo aad u xooggan, waxaana Itoobiya la rumeysan yahay inay door weyn ku leedahay arrimaha Soomaaliya, sidaas darteed Imaaraadka u isticmaalayo danihiisa siyaasadeed, maadaama heshiiskii saddex geesoodka ee Dekeda Berbera ay Itoobiya ku leedahay saami dhan 19%.

 

 

 

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya inuu jiri doono kulamo ay yeelan doonaan Diblomaasiyiin ka kala socda Soomaaliya iyo Imaaraadka, kuwaasoo ambaqaadi doona sidii dib loogu hagaajin lahaa cilaaqaadka labada dal, waxaana kaddib kulamada ay u gudbi doonaan heer madaxeed.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhowaan booqan doona Imaaraadka Carabta, si uu wada hadal ula yeesho Madaxda Imaaraadka Carabta.

 

 

 

Imaaraadka Carabta ayaa bilo ka hor joojiyay howshii tababarida iyo taageerida Ciidamada Soomaaliya, waxaana Muqdisho uu ka rartay qalabkii iyo agabkii uu u isticmaali jiray agabyadiisa, sidoo kale wuxuu joojiyay isbitaalka Sheekh Zayid ee maalin walba bixin jiray adeegyada caafimaadka.

 

 

 

Horaantii bishii April ayay aheyd markii Ciidamada ammaanka Soomaaliya ay garoonka Muqdisho ku qabteen lacag gaareysa illaa 10-milyan oo dollar oo ay keentay Diyaarad laga lahaa Imaaraadka, kuna socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho, waxaana Imaaraadka uu cambaareeyay ficilkaas oo ay ku tilmaameen mid ka baxsan xeerka diblomaasiyadda.

 

 

 

Khilaafka dalalka Khaliijka soo kala dhex galay ee Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dhan ah iyo Qatar ayaa Soomaaliya ku yeeshay saameyn aad u weyn, iyadoo dowladda Soomaaliya ka qaadatay mowqif dhex dhexaad ah, hase ahaatee Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ku cadaadinayay Xukuumadda Muqdisho inay xiriirka u jarto Qatar oo loo arko inay xiriir dhow la leedahay Madaxtooyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here