Maxay tahay fariinta uu Madaxweynaha Mareykanka u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh?

0
30

Maxay tahay fariinta uu Madaxweynaha Mareykanka u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh?

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhambaal hambalyo oo ku aadan sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegatay xurnimada iyo Israacii labada gobol u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Fariinta ka timid madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu billaabay, ”Mudane Madaxweyne, Anigoo ka wakiil ah shacabka Mareykanka, waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa xuska sanad guuradii 64-aad ee maalinta xoriyadda.”

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku bogaadiyay Soomaaliya horumarka Dowladda Federaalka ka sameysayso Dowlad dhiska.

Mr. Biden ayaa shaaciyey in dowladdiisa ay Soomaaliye ku taageersan tahay, “Sii socoshada dedaalada lagu horumarinayo amniga, laguna dhisaayo kobac dhaqaale oo isku dhafan, horumarinta hanaanka dowliga ah, xuquuqda aadanaha iyo wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo abaaraha.”

Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka oo doonaya in markale loo doorta xilkaas oo ka hadlay guusha Soomaaliya ka gaartay kurisga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobaya ayaa yiri,“In Soomaaliya dhowaan loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay tusaale u tahay horumarka wadankiinu gaaray iyo kalsoonida caalamku siiyay Soomaaliya.”