Shirkii u dhaxeeyey dowladaha Soomaaliya & Itoobiya oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday

0
10

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Ankara uu ku soo gabagaboobay shir u dhaxeeyey dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Turkiga.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirka ku soo idlaaday Ankara looga hadlay xiisadda ka dhexjirta laba dalka, kaas oo salka ku haya heshiiskii Addis ku dhexmaray Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

“Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah maadaama ay Dawladda soomaaliya meel adag ka taagantahay qaddiyadda la xiriirta ilaalinta Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaranka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeed wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga,” sida lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Kulankaan oo ahaa kii koowaad uu soo gabagaboobay waxaana lagu balamay wareeg labaad oo wadahadal ah 02 September 2024.

Wadahadalka ayaa lagu kala aragti duwanaa Gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Dawladda Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharcidarrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dawladda Soomaaliya lama taabtaan.

Dawladdu waxa ay u mahadcelinaysaa Dawladda Walaalaha ah ee Turkiga kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaateen xasiloonida geeska Afrika. Sida lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.