Carruur dhaawac kasoo gaaray Hoobiye ku dhacay Magaalada Baydhabo

0
14

Tiro Hoobiyeyaal ah oo ku dhacay goobo kala duwan oo katirsan Magaalada Baydhabo Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka dhashay khasaara Dhaawac iyo mid hanti sida ay inoo xaqiijiyeen ilo kala duwan.

4 Carruur ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen mid kamid ah Hoobiyayaasha ku dhacay Magaalada Baydhabo halka waxyeello soo gaartay Gurigii ay degenaayeen sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo deegaanka ah.

Duqayntaan Hoobiyaha ah ayaa xalay saq dhexe si gaar ah 12:30 AM Waqtiga Geeska Afrika ah ku dhacday meel u dhaw Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Afaafka hore ee Isbitaalka Baydhabo & goobo kale.

Weli ma jiro war ay arrintaan kasoo saareen Hay’adaha Amniga Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo ay ku faah-faahinayaan haddii ay jiraan Dad ay usoo qabteen weerarkaan duqaynta ah iyo khasaare ka badan inta la shaaciyay.

La soco wixii kasoo kordha