Muritaaniya oo Natiijada Doorashadii Madaxtinimo ee Dalkaas ka dhacday maanta la sugayo

0
9

Shacabka waddanka Muritania ayaa maanta dhaworaya, natijada doorashadi madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday Sabtidi shalay.

Madaxweynaha Maxamad Walad Gazwani ayaa lagu wadaa inuu ku guuleysto doorashadan oo aheyd mid aad loogu tartamay isla markaana ay ka loollameen murashaxiin dhowr ah.

Gazwani ayaa ololaha ku galay inuu sare u qaadi doono maalgashiga dalkaasi dhaca Galbeedka Africa, xilli uu waddanka isu diyaarinayo inuu billaabo wax soo saarka gaaska dabiiciga ah.

Sanaadiiqda codadka oo la furay saakay todobadi ayaa lasoo xiray caawa todobadi fiidnimo. Natiijada doorashadan ayaa lagu wadaa in la ogaado Axadda berrito ah.

Madaxwene Maxamad Walad Gazwani oo marki ugu horreysay jagadan loo doortay sannadki 2019-ki, ayaa wajahaya lix murashax oo uu ku jiro Bayram Tah Cubeyd, oo kaalinta labaad kasoo galay doorashadi tan ka horreysay.

Murashaxiinta kale ayaa waxaa ka mid ah Id Mohameden M’Bareck oo ah qareen, dhaqaalo-yahanka caanka ah Mohamed Lemine El Mourtaji El Wafi, iyo Hamadi Sidi El Mokhtar oo ka socda xisibiga Tewassoul.

Muritaniya oo ah dal gani ku ah shidaalka iyo macdanta ayaa waxa ku nool 5 milyan oo ruux, waxana uu ka mid yahay dalalka ugu saboolsan Galbeedka Africa.

Isha: VOA SOMALI