Doorashada indhaha lagu hayo ee maanta ka dhacaysa Dalka Faransiiska

0
14

Dalka Faransiiska waxaa maanta ka dhacaysa Doorasho Baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay kaddib markii Xisbiga Madaxweyne Macron guuldarrado kala soo kulmay Doorashada Baarlamaaniga ah ee Midowga Yurub.

Arrinta indhaha sida gaarka ah Doorashadaan loola-raacayo waa in Xisbiga Midigta Fog uu ugu cad-cad yahay Doorashadaan oo haddii sida loo saadaalinayo u dhacdo ka dhigaysa in tan iyo dagaalkii labaad Adduunka Faransiisku ka dhalan doono Dowlad Xisbigaas hoggaaminayo.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku goodiyay in uu guul muhiim ah ka gaari doonno Doorashadaan oo aanay dhici doonin in guuldarro kale ay usoo hoyato Xisbigiisa, wixii farsamo ahna isugu gayn doonaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Falanqeeyaasha Siyaadda Faransiiska ayaa tooshka ku bidhaaminaya in uu isbaddel wayn ka imaan karo Doorashada maanta dhacaysa, waxa ay sidaas u leeyihiin waa in ay soo Daliilsanayan dhowr qodob oo muhiim ah.

Natiijada Doorashada hordhaca ah ee Baarlamaaniga ah isla maanta ka dhacaysa Dalka Faransiiska waxaa loo badinayaa in la heli doonno 7da July iyada oo laga sii tusaale qaadan karo codbixinta iyo natiijooyinka hordhaca ah ee laga sii helo.

La soco wixii kasoo kordha