Waa sidee saaka xaalada goobihii shalay lagu dagalamay ee gobolka Mudug?

0
9

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya galbeedka gobolka Mudug gaar ahaan deegaannada u dhexeeya Goldogob iyo Saax-qurun oo ah aagagii shalay ay ku dagaallameen beelo halkaas wada dega waxaa weli is hor-fadhiya labada meleeshiyo beeleed, iyadoo mararka qaarna la maqlayo rasaas la isweydaarsanayo

Waxaa socda dadaallo ay wadaan Maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku aaddan sidii xabadda loo joojin lahaa, loona kala qaadi lahaa maleeshiyooyinka.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacay kulamo labada maamul ay uga hadlayeen sidii loo soo afjari lahaa colaaddaan oo dad badan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Inkastoo weli aan si dhab ah loo ogeyn khaasaraha inta uu gaarsiisan yahay, haddana waxaa wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in dhimashadu ay ka badan tahay 30 halka dhaawucuna uu kor u dhaafayo 50 kale.

Waxaa isa soo taraya baaqyada ka imanaya qeybaha bulshada iyo siyaasiyiinta ee lagu dalbanayo in la joojiyo dagaalkaas oo salka ku haya dilal aano qabiil.