Dibadbaxyo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac oo sababay in uu Madaxweynaha Kenya badalo go’aankiisa

0
18

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ka laabtay sharciga maaliyadda ka dib markii ay dibadbaxyo ballaaran isku bedeleen maalin ka hor, oo ay ku dhinteen 23 qof, sida uu sheegay guddiga qaran ee xuquuqda aadanaha ee Kenya.

Madaxweyne William Ruto Khudbaddiisa laga sii daayey warbaahinta dalkaas ayaa shacabka dalkaas u sheegay in dadka dalkiisa aysan ogaleyn sharcigaan, isaga oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Waxaa cadaatay in dadka Kenya aysan sharcigan ogoleyn sida daraadeedna uusan saxiixeyn.”

Isbeddelka ku yimid mawqifkii Ruto ayaa horseeday su’aalo ku saabsan waxa beddelay maskaxdiisa, ayay yiraahdeen falanqeeyayaasha – xitaa iyada oo daruurtu ay dul taagan tahay kalsoonidiisa, laba sano ka dib markii uu xukunka qabtay isaga oo ballan qaaday in uu wax ka qaban doona musuqmaasuqa iyo maamul-xumada.

Xukuumadda Ruto ayaa Baarlamaanka dalkaas u gudbisay sharci cusub kaas oo ku saabsan maaliyadda dalkaas, Sharcigaan ayaa sheegay in dowladdu ay kordhisay canshuuraha, taas oo la micno ah in ganacsatada iyaguna ay sii saari doonaan lacagtaas lagu kordhiyay dadka shacabka ah, maciishada nolosha ee dadkuna ay kor u kici doonto 2024.

Sharcigaan cusub ayaa cashuuraha ugu badan waxaa lagu kordhiyay adeegyada caafimaadka, moobeelada, Cumputures-ka, gaadiidka iyo lacagaha moobelada laysugu diro, taas oo dhallinyarada dalkaas ay da’dooda ka hooseysa 30 sano ay ka soo horjeesteen dhaqan galka sharcigaan.

Dowladda Kenya ayaa xakameyn waysay dibadbaxyaasha ka socday maalmihii la soo dhaafay dalkaas, ciidamo kala duwan ayaa lagu daadiyey magoolinka ugu muhiimsan dalkaas balse kuma aysan guuleysan in ay ka hortagaan, iyada oo markii dambe gudaha u galay xarunta Baarlamaanka dalkaas, taas oo madaxweyne Ruto ku qasabtay in uu ka laabto sharciga.