Booliska Caalimiga Ah Ee Interbool Oo Garoowe Ka Soo Dejiyay Eedeysane Laga Soo Qabtay Dalka Dibadiisa

0
11

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa maanta ka dejiyey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Puntland Eedeysane Maxamed Cumar Ciise, kaas oo maalin ka hor laga soo qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

War ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiriirka dibadda (Interpol) ee Boliiska Soomaaliyeed ay subaxnimadii hore ee saaka diyaarad ku qaaday Eedaysanaha kaas oo horay u dilay marxuum Maxamed Axmed Faarax.

Sidoo kale warka ka soo baxat ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa lagu xusay in eedaysanaha uu marxuumka dilay May 17, 2024-ka, iyada oo waaran soo qabasha ah uu bixiyey xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Eedeysane Maxamed Cumar Ciise ayaa ciidanka Interpol oo ka dajiyey magaalada Garoowe waxa ay ku wareejiyeen laamaha Ammaanka ee gobolka Nugaal, kuwaas oo la sheegay in ay horgeyn doonaan Maxkamadaha Awooda u leh.