Tuulada Buula-xarbooy Gobolka Hiiraan oo 20kii Liitar ee Biyaha lagu iibsanayo $5

0
10

Deegaanka Buula-Xarbooy Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka jirta xaalad biyo la’aan ah maadaama aanay jirin ceel ay Dadka biyaha ka helaan waxa ay taasi sababtay in safar dheer ay u galeen.

Dadka ayaa sheegay in marka ay tagaan deegaanka ugu dhow oo ay ka heli karaan biyo ay cabbaan in 20kii Liitar kusoo iibsadaan lacag dhan $5 oo u dhiganta 135 kun oo Shillin Soomaali ah taasina ay Dadku sheegeen in aysan awoodin helitaankeeda.

Guddoomiyaha Deegaanka Buula-Xarbooy Axmed Ciise Xasan ayaa Warbaahinta u sheegay in lacagaha badan ee Dadka ku heli karaan biyaha ay u baahan yihiin in xaaladdu kusii adkaysay sidaas awgeed ay dalbanayaan in Dowladda & cid weliba oo awoodda u qodo ceel-biyood.

Qoysaskaan oo noloshooda ku tiirsan falashada Beeralay & Dhaqashada Xoolaha waxaa saamayn taban ku reebay Isbaddelka Cimillada sida abaarta iyo Daadadka ka dhashay fatahaadda Webiga & Roobka.

“Abaar & Daadad ayaa dhibaato u gaystay beerihii la abuuray iyo xoolihii la dhaqanayay, magaalada waxa ay inoo jirtaa ilaa 10 kiilo-mitir, biyaha waxaa Jalalaqsi oo aan u doonano nalaga siiyaa 20kii Liitar $5 waxa aan codsanaynaa in Dowladda naga caawiso oo naloo qodo Ceel-Biyood” Guddoomiyaha Deegaanka Buula-Xarbooy, Axmed Ciise Xasan.

Dadka inta badan ku nool deegaannadu ay marayaan Webiyada Dalka waxa ay cabbaan biyo caafimaad ahaan aanay wanaagsanayn, baahida u keeneysa isticmaalka biyahaas waa deegaannadooda oo aanay ka jirin Ceel biyood ay ka heli karaan biyo nadiif ah.