Israel oo qorsheyneysa duulaan ballaaran oo ka dhan ah Xoogaga Xisbullah

0
25

Wasiirka Arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa u sheegay mid ka mid ah wasiirrada dhiggiisa ah ee Carabta oo uu la kulmay intii uu ku jiray booqashadii u dambeysay ee bariga dhexe, in Israa’iil ka go’antahay inay weerarto Xisbullah oo ay gudaha u gasho Lubnaan, sida ay soo bandhigtay shabakadda CNN, oo inta ku dartay in ilo wareedyo ay u xaqiijiyeen Wasiirka Carbeed inuu ugu jawaabay Blinken inaysan Xisbullah joojin doonin weerarrada Israa’iil illaa laga joojiyo dagaalka Qasa.

Saraakiisha Mareykanka ayaa walaac weyn ka qaba in haddii uu dhaco dagaal toos ah oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah, inay Xisbullah ka adkaan karto difaaca cirka Israa’iil ee waqooyiga – oo ay ku jiraan nidaamka difaaca hawada Iron Dome, sida ay sheegtay CNN oo xiganaysa saddex sarkaal oo Mareykan ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale xaqiijisay inay Israa’iil dhankeeda la wadaagtay Mareykanka cabsida ay ka qabaan gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyahan lahayn ee Xisbullah inay ka soo gudbaan nidaamka difaaca oo ay ku dhacaan bartilmaameedyadooda, iyadoo Israa’iil ay sheegtay in hannaankeeda difaaca ee yaalla koonfurta Qasa u wareejin doonto waqooyiga.

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay in saraakiisha ciidanka Israa’iil oggolaadeen qorshe howlgal oo lagu weeraro Lubnaan; “Iyada oo qayb ka ah qiimaynta xaaladda, qorshayaasha hawlgelinta ee weerarrada Lubnaan waa la ansixiyay, waxaana la qaatay go’aamo ku saabsan sii wadida kordhinta u diyaargarowga ciidamada goobta.” ayaa lagu yiri warbixinta Reuters ay ka soo xigatay saraakiisha Israa’iil.

Xiisadda Israa’iil iyo Xisbullah ayaa sare u kacaysa, tan oo ka dambeysay, markii ay Xisbullah si is daba-joog ah oo awood leh ay u weerartay saldhigyada iyo deegaannada Israa’iil ee ku dhow xadka Lubnaan

Boqollaal kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku barakacay weerarrada Xisbullah, halka ay sare u kaceen muuqaallada dacaayada ah ee kooxda ay soo bandhigayso ee shakiga geliyay nidaamka difaaca iyo tignoolajiyada la socodka hawada Israa’iil