Somaliland oo baaq cabasho ka dhan ah DFS u dirtay Qaramada Midoobay iyo Reer Galbeedka

0
32

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan’’ ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha u dooda inay ka hadlaan xaalada adag ay ku jiraan dhallinyaro kasoo jeeda Somaliland oo ku xir xiran magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in dhallinyaradan oo ku eedeysan dil loo geestay sargaal katirsanaa hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay si xaq daro ah ugu xiran yihiin Muqdisho, waxa uuna xusay in dhallinyaradan loo geesto tacadiyo kala duwan.

’Dhallinyaradii Xamar innagaga xidh-xidhnayd ee dawladda Xamar ay mu’aamaradaysay ee loo xidhay ninkii ka shaqaynayay duulista Soomaaliya, intii kale ee saaxiibadiisa iyo walaaladiisa ahaa ee la shaqaynaysay lagu mu’aamaradeeyay dilkiisa weli way xidhan yihiin, waxaa la rabay inta la jidh dilo oo denbiga la saaro, hasa yeeshee Ilaahay SWT ayaa fashiliyey’’ ayuu yiri Wasiir Cali Mareyxaan.

Wasiirka ayaana ugu baaqay hay’adaha xuquuqul insaanka, kuwa Qaramada Midoobay iyo safaaradaha reer Galbeedka ee Muqdisho jooga in ay ka dhiidhiyaan xariga dhallinyarada kasoo jeeda Somaliland kana shaqeeyaan sidii loo sii deyn lahaa.

’Hay’adaha Xuquuqul iinsaanka ee marka weriye yar la xidho qayliya, waxaan u soo jeedinaynaa inay arrintan wax ka yidhaahdaan, waxaa kale oo aan baaq u diraynaa safaaradaha jooga magaalada Xamar waa inay u tagaan meelaha ay dhallinyaradaasi ku xidh xidhan yihiin, waxaa la soo caddeeyay in qaar ka mid ah dhallinyaradaas faraha la jaray, qaar kood la garaacay, iyo in maamulka Muqdisho haatan ku dhici la’yahay inuu dhallinyaradaas sii daayo amase uu Maxkamad hor keeno maadaama wax kastaa fashilmayaan, waxaan safaaradaha mar kale ka dalbanaynaa inay soo eegaan xaalada dhallinyaradaas oo qoysaskoodana ay warbixin soo siiyaan’’. ayuu yiri Wasiirka.

Dowladad Soomaaliya ayaan wali maxkamad muuqata soo taagin ragga loo heesto in ay ka dambeeyeen dil loo geestay sargaal katirsanaa hay’adda Duulista Rayidka, sidoo kale dowladda ma aysan shaacin wali xogta baaritaanka dilkaasi bilo kahor dhacay.