Itoobiya oo Shaacisay in ay noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsata Somaliland

0
30

Dowladda Itoobiya ayaa ku adkeesaneysa in ay fulineyso heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya , kaa oo ahaa in Itoobiya aqoonsato Somaliland, si dhankooda loo siiyo dekad iyo saldhig badeed.

Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Wershadaha dawladda Federaalka Itoobiya, Tarekegn Bululta, ayaa sheegay in Itoobiya noqon doonto dalka u horreeya ee maamulka Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaan.

Qoraal uu wasiirkan soo dhigay barta uu ku leeyahay X ayuu ku sheegay in uu ku kalsoon yahay in dalkiisu aqoonsan doono dowladnimada Somaliland, waxa uuna intaa raaciyay in diyaar u yihiin dhankooda fulinta heshiiskii horey labada dhinac u gaareen.

Wasiir Tarekegn Bululta ayaa sidoo kale sheegay in xulafada dowladda Itoobiya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo millatariga ay go’aanka ay maamulka Somaliland ku aqoonsanayaan ay ku raaci doonaan .

Dowladda Soomaaliya ayaan si weyn uga soo horjeeda damaca waalida ah ee Itoobiya ku dooneyso in ay ku hesho dhul badeed Soomaali leedahay, waxa ayna dowladda horey u qaaday tallaabooyin diblumaasiyadeed oo ka dhan ah heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.