Maxaa ka jira in nin Soomaali ah uu la wareegay hogaanka sare ee Kooxda ISIS

0
23

Warbaahinta Mareykanka ee NBC News, ayaa ku warrantay in sirdoonka Mareykanka ay oggaadeen Cabdulqaadir Muumin, oo ah madaxii Daacishta Soomaaliya uu la wareegay xilka hoggaamiyaha ugu sarreeya ee kooxda,

NBC News ayaa intaas ku dartay in C/qaadir Muumin uu beddelay Abu al-Hassan al-Qurashi, oo lagu dilay weerar ka dhacay Suuriya dabayaaqadii 2022.

Sida ay u sheegeen shabakadan labo sarkaal oo Mareykanka ah oo intaa ku daray duqeyn 31 bishii May ee sannadkan uu Mareykanka ka geystay deegaan fog oo 81 km dhanka koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso, in lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyaha sare ee Daacish, Cabdulqaadir Muumin oo la sheegay inuu si aamusnaan ah xilka ula wareegay sannadkii hore, balse ma cadda sida ay saraakiisha Mareykanka sheegeen duqeyntaa inuu ku dhintay.

Mareykanka iyo sirdoonka Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah u soo bandhigin in Muumin uu qabtay xilka hoggaamiyaha sare ee Daacish, iyadoo warbixinta NBC News ay sheegtay inuu jagadan hayay tan iyo sannadkii hore.

Haddii la xaqiijiyo kaliya bartilmaameed uma noqon doono sirdoonka reer galbeedka , si la mid ah waxaa raadsan doona sirdoonka Ruushka oo kooxdan ku eedeeyay inay Ukraine u adeegsatay weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay tiyaatarka Moscow.