EURO 2024 oo caawa si rasmi ah u loogu daah-furayo Germany vs Scotland + Xog

0
30

Waxaa Caawa Dalka Jarmalka ka furmaya koobka xulalka Qaaradda Yurub ee EURO oo sanadkaan uu martigelinayo 2024 uu martigelinayo Dalkaas wajahaya Dhiggiisa Scotland oo ay isku qaanad kuwada jiraan.

Xafladda Daah-furka Koobkaan kaddib waxaa dhici doonna hal kulan oo lagu billaabayo Qaanadda (A) ama 1aad oo si gaar ah isku arki doonnaan Martigeliyaha Koobkaan sanadka 2024 ee Germany oo kahortagaya Scotland.

Xulka haysta taageerayaasha ugu badan ee Jarmalka waxa uu kulankaan u yahay tijaabada uu ku muujinayo awoodda ama rejada uu u yeelan karo in uu ugu dambayn Koobkaan Gacanta ku dhigo oo aanay laga bixin Dalkiisa.

Madax kala duwan oo kuwa Cayaaraha ah iyo dhanka Siyaasadda ah ayaa daah-furka kasoo muuqan doonna kuwaas oo haatan kusii sugan Dalka Jarmalka, waxaana miiska lasoo dhigi doonnaa koobkii ugu dambeeyay EURO ee Xulka Talyaaniga ku guulaystay 2020.

Berri oo Sabti ah ayaa la dheeli doonnaa Saddex kulan oo midkood uu yahay Guruubka caawa lagu daah-furayo wixii Axadda ka billowdana maalin weliba waxaa la ciyaari doonnaa labo kulan oo ah Guruubka inta uu ka kooban yahay.

Jarmalka waxaa sanadkaan u dheelaya ciyaartoy soo gabagabayna Waayahooda kubadda Cagta iyo kuwa Xulka ka fadhiisan doonna kuwaas oo raba ama raadinaya Koobkaan si ay sharaf iyo xusuus wanaagsan ugu tagaan taageerayaashooda.

La soco wixii kasoo kordha