Ra’iisul Wasaaraha Israaiil miyay ka go’an tahay in uu aqbalo Xabbad-joojin?

0
23

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Talaadada maanta ah sheegay in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay u hogaansamidda xabad joojinta la soo jeediyay in laga hirgeliyo Gaza.

Sida uu sheegay blinken oo wariyeyaasha kula hadlayay Tel Aviv , Xamaas oo kaliya ayaa ilaa iyo hadda aan aqbalin shuruudaha ku jira xabad joojintan.

Shalayna Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qaraar uu soo diyaariyay Maraykanka oo ugu baaqaya Israa’iil iyo Xamaas inay fuliyaan heshiiskan xabbad-joojinta.

14 ka mid ah 15ka xubnood ee Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Qaraarka, oo ruushka oo kaliya uu ka aamusay.

Hindisaha Xabad joojinta Gaza ayaa ka kooban sadex waji:

Wajiga hore ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo, labada dhinacna ay sii daayaan qaar ka mid ah maxaabiista ay kala heystaan, Gargaarka Gaza oo sare loo qaado, iyo ciidamada Israel oo ka baxa goobaha dadku ku badanyihiin Gaza, si dadku ay guryahooda ugu noqdaan.

Wajiga labaad, ayaa dhigaya in si rasmi ah loo joojiyo dagaalka, Maxaabiista oo si buuxda loo sii daayo, iyo in ciidamada Israel ay si buxda uga baxaan Gaza.

Wajiga ugu dambeeya ee hindisahan ayaa dhigaya in Gaza lagu bilaabo dib u dhis muddo sanado ah qaadanaysa, iyo in Xamaas ay Israel u celiso haraaga meydadka la heystayaashii Israel ee dhintay intii ay gacanta Xamaas ku jireen.

Isha: VOA SOMALI