Ahmadinejad oo laga reebay liiska Musharaxiinta Madaxweynaha cusub ee Iran

0
27

Doorashada Madaxweynaha Iran ee la qorsheeyay inay dhacdo 28 bishan June, ayaa la soo saaray musharrixiinta u tartamaya, iyadoo illaa 80 musharrax ay codsadeen inay u tartamaan xilkaas, kaddib markii uu shil diyaaradeed ku geeriyooday madaxweynihii xilka hayay, Raisi.

Balse waxaa loo ansixiyay inay doorashada u tartami karaan lix musharrax oo ay magacyadooda soo bandhigeen Golaha ilaalada oo ka kooban 12 culimo iyo sharci-yaqaano ah, kuwaasoo kala bar ay soo doorteen baarlamaanka, kala barna uu magacaabay Khamenei.

Waxay go’aamiyan musharrixiinta xilka madaxweynaha u tartamaya, kuwaaso kaliya soo magacaaba xubnaha daacada u ah Khamenei.

6da musharrax ee doorashada ka qaybgalaya ayaa kal ah:-

Siciid Jalili
Mohamed Bagher Ghalibaf
Alireza Zakani
Amir-Hossein Ghazizadeh Hashemi
Mostafa Pourmohammadi
Masoud Pezeshkian.
Musharixiinta kale ee laga reebay doorashada, waxaa ku jira Madaxweynihii hore Mohamud Ahmadinejad.

Siciid Jaliili iyo Ghalibaf ayaa ah 2-da musharax ee ugu cad cad inuu midkood ku guulaysto ​​doorashada.

Ghalibaf waa 62 jir ah, horey wuxuu usoo noqday taliyaha ciidamada cirka ee ilaalada kacaanka Iran (IRGC), waxa uu ahaa afhayeenka Baarlamaanka muddo afar sano ah, waxa uu ahaa duqa magaalada Tehran 2005 ilaa 2017, ka horna waxa uu ahaa taliyaha booliska. Waxa uu u tartamay madaxweyne sannadihii 2005, 2013 iyo 2017, illaa uu u tanaasulay Raisi.

Musharraxa kale Siciid Jalili, wuxuu ahaa madaxii hore ee wada-xaajoodka Iran ee nukliyeerka, wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta ku dhow Khamenei, wuxuu ka mid ahaa musharrixiintii doorashada hore isaga haray, isagoo u ololeeyay Raisi.