Spain oo ku biirtay Liiska Dalalka Israel ka gudbiyay Dacwad ka dhan ah Xasuuqa ay ka gaysatay Gaza.

0
24

Dowladda Spain ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ku biirtay Dalalka Dacwadda ka dhanka ah Israel u gudbiyay Maxkamadda ugu sarreysay Qaramada Midoobay ee u qaabilsan arrimaha Dambiyada ee ICC loosoo gaabiyo isla markaana uu ka furan yahay kiiska ay soo aasaastay Dowladda Koofur Afrika.

Spain ayaa sheegtay in Israel ay dhegaha ka furaysatay dhammaan baaqyada caalamiga ah taas baddelkeedana ay qaadday tallaab ka dhan ah bani aadamnimada loona baahan yahay in lagula xisaabtamo Xukuumadda Talada haysa si caddaalad loogu helo Dadkii lagu dhibaataayay Magaalada Gaza.

Xukuumadda Madrid ayaa sheegtay in aanay marnaba ka gamban doonin ka dhiidhinta dhibaatooyinka iyo xadgudubka is dhinac socda ee ka dhanka ah Falastiin, go’aanka Dowladda Spain ee la xiriira in ay aqoonsatay Falastiiniyiinta ayaa weli ah mid taagan oo aanay waxba iska baddelin sida hadalka loo dhigay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain Jose Manuel Albares oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladdiisa ay u xusul-duubayso sidii loo heli lahaa Dowlad dugaal u noqota Shacabka la dhibaataynayo ee Falastiin sidaas awgeed ay ka go’an tahay in ay qaadaan tallaab weliba oo lagu gaari karo.

“Hadafkeena kaliya waa in aan joojino dagaalka oo aan horay u sii wadno hirgelinta xalka labada dowladood, mowqifkeenna ah in aan aragno Dowlad gaar u ah Falastiin weli waa sidii aan horay ugu dhawaaqnay” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain Jose Manuel Albares oo Warbaahinta la hadlay.

Koofur Afrika ayaa markii ay gudbisay dacwadda ka dhanka ah Xasuuqa ay Israel ka gaysatay Dhulka Falastiin waxa ay Dalalka kale ugu baaqday in ay ka baxaan aamusnaanta oo bannaanka soo dhigaan go’aankooda geesinimada leh waxaana dhinac istaagay Spain, Ireland, Norway, Turkey, Brazil, & Dalal kale oo qaarkood dhaca Koofurta Ameerika.