Ruushka oo dhoolatus milateri ka sameynaya meel ku dhow xeebaha Mareykanka

0
23

Wasaaradda Difaaca ee Cuba, ayaa ku dhawaaqday in 3 markab oo ka mid ah maraakiibta ciidanka badda Ruushka oo uu ku jiro markabka badda hoostiisa quusa ee qaada nukliyeerka ee Kazan (K-560) , inay soo gaari doonaan toddobaadka dambe dekedda caasimadda Cuba ee Havana.

Tallaabadan waxay qayb ka tahay dhoolatuska militari ee Ruushka uu ka sameynayso badda Caribbean-ka.

Cuba, waxay sheegtay maraakiibta Ruushka inaysan halis ku ahayn ammaanka gobolka, iyadoo ku andacoonaysa inuusan midkoodna soo qaadi doonin hubka nukliyerka.

Dhoolatuska militari ee ciidanka Ruushka , ayaa noqonaya midkii ugu horreyay ee muddo dheer oo sannado ah ka dhacaya meel aan ka fogayn dhulka Mareykanka , iyadoo qof walba uu xasuusan yahay xiisadda Ruushka iyo Mareykanka ee ku dhoweyd dagaal nukliyeer ah taasoo ka dhalatay markii Ruushka uu hubkiisa nukliyeerka geeyay Cuba.

Balse hadda dhoolatuskan ayaa sida cad jawaab u ah taageerrada Mareykanka ee Ukraine oo uu geeyay gantaaladiisa riddadaa dheer iyo taageerrada sii socota ee waddamada galbeedka ay siinayaan Ukraine, halka Putin uu shalay soo saaray hadal uu ku sheegayo in haddii ay dhacdo hubka Mareykanka uu geeyay Ukraine ay khasaaro ka dhaliyaan dhulka Ruushka, inay gayn doonaan gantaaladooda riddada dheer meel kasta oo khasaare lagu gaarsiin karo Mareykanka iyo xulafadiisa galbeedka.