Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay in ay ku guulaysatay kursiga aan joogtada ahayn Golaha Ammaanka ee QM?

0
25

Soomaaliya ayaa ku guulaysatay Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammanka Qaramada Midoobay sanadaha 2025-2026 waxa ay taasi ku gashay diiwaanka Dalalka xubnahaan ka noqda kuwa doorashada ku yimaada.

Codadka la dhiibtay ee Soomaaliya u suurageliyay hanashada kursigaan waa 179 cod waxaana ay ku rumaysay riyadii ay ka lahayd in mar uun xubin ka noqoto 15ka Dal ee go’aamada gaaraya ee Golaha Ammaanka muddo 50 sano ka badan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah kursigaan ugu howlgeli doonto marka la gaaro 1da Janaayo 2025 waxaana muddo xileedkeeda labada sano ah uu ku siman yahay 31ka Deseembar sanadka xiga ee 2026ka.

5 Dal ee joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska iyo Faransiiska waxaana 10ka Waddan ee go’aamada la garaaya kamid noqon doonta Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sidee ayaa looga falceliyay?

Soo dhaweyn badan ayaa loo sameeyay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Dalalka Doorashada ku yimaada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay halka Saxaafadda Caalamka ay ka samaysay falanqayn badan.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya & Mas’uuliyiin kala duwan oo Xilal horay usoo qabtay ayaa u sacba tumay guushaan muhiimka ah waxaana ay sheegeen in horumar dhinaca diblumaasiyadda la gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa soo dhaweeyay tallaabadaan isaga oo ku sifeeyay mid diiwaanka ay ku gashay Jamhuuriyadda maadaama ay kamid noqotay talada fadhiyada Golahaas.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa lagu yiri: “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed guusha in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadaha 2025 —2026”.

Waa qoraalka lasii raaciyay: “Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku tilmaamay tirada codadka ay heshay Soomaaliya guul kale oo taariikhi ah oo ay hanteen shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa raaciyay in tallaabadan ay muunjineyso sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay door muuqda ku yeelato masraxyada caalamiga ah iyo wax ka qabashada caqabadaha iyo dhibaatooyinka amni ee ka taagan adduunka”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa dhankiisa waxa uu guushaan ku tilmaamay Natiijada kasoo baxday dedaalkii dheeraa ee loo galay raadinta kursigaan aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay