Sidee uga hortagi kartaa dhagxaanta ku sameysma Kelyaha iyo Xameetida?

0
55

Jirku wuxuu leeyahay awoodo la yaab leh siyaabo badan u shaqeeya. Mid ka mid ah awoodiisa cajiibka ah ayaa ah inuu soo saaro dhagxaan. Inta badan waxaan maqalnaa dhagxaanta kelyaha ama dhagxaanta xameetida. Laakiin waxaa jira noocyo kale oo dhagaxyo ah oo jirku ka sameysmo.

Dhagxaanta ayaa dhibaato ku keena marka ay xiraan kaadi mareenka, labada tuubbo ee kaadida ka soo qaada kelyaha una gudbisa kaadiheysta.

Haddii tani dhacdo, waxay keeni kartaa xanuun daran oo dhabarka hoose ahiyo in qofka ay kaadida ku istaagto. waxa arrintan ka dhalan karta caabuqa ama kaadida oo ku ururta gudaha iyo hareeraha kelyaha.

Dhagxaanta kelyuhu waxay laga helaa tobankii qofba mid. Waxay ka soo baxdaa inta badan kalsiyum iyo kiimikooyinka milixda, kuwaas oo ka soo daata dhiiga kaadida.

Dhagaxyada noocyada kale ee jirka waxay ku samaysmaan xameetida. Dhagxaanta xameetida waxaa keena kolestarool ama midabka xameetida waxayna noqon karaan hal ama dhowr dhagax.

Kuwani waa kiimikooyin dabiici ah oo laga helo dhirta iyo bina’aadamkaba. Laakiin haddii ay badan yihiin, way uruuri karaan oo waxay samayn karaan dhagaxaan.

Dhagaxyada kelyuhu way kala duwanaan karaan cabbir ahaan, laga bilaabo in ka yar millimitir ilaa sentimitir ama ka badan. Waxay sidoo kale yeelan karaan qaabab kala duwan.

Dhagxaantan ayaa dhibaato ku keena marka ay xiraan kaadi mareenka, labada tuubbo ee kaadida ka soo qaada kelyaha una gudbisa kaadiheysta. Haddii tani dhacdo, waxay keeni kartaa xanuun daran dhabarka hoose, iyo sidoo kale ka hortagga socodka caadiga ah ee kaadida. waxa sidoo kale ka dhalan kara caabuq ama kaadida oo ku ururta gudaha iyo hareeraha kelyaha.

Meelaha kale ee dhagxaanta kaga sameysmaan jirka

Dhagaxyada waxaa keena dareeraha jirka. Tusaale ahaan dhagxaan dhuunta ku yaal .

Candhuufta waxaa soo saara qanjidhada u dhow dhegta, daanka iyo carrabka hoostooda. Marka ay afka galaan, waxay caawiyaan inay jilciyaan cuntada si uu qofka u liqi karo, taasina waa bilowga habka dheefshiidka.

Dhagaxyada candhuufta waxay ka kooban yihiin walxo badan, oo ay ku jiraan kalsiyum iyo magnesium. Dhagxaanta candhuufta waxay xannibi karaan soo saarista candhuufta afka, taasoo keenta xanuun iyo barar.

Candhuufta oo fariisata waxay sababi kartaa ur daran ama dhadhan xun oo qofku dareemo.

Dhagaxyada sidoo kale waxaa laga heli karaa qumanka. Waxay ku taal cunaha sare. Qumanka waa unug ka mid ah habka difaaca jirka.

Qumanka wuxuu leeyahay daloolo loo yaqaan ‘crypts’, kaas oo xajin kara qaybaha cuntada iyo candhuufta.

Waxyaalaha kale ee jirka ku jira ee ee noqda dhagaxaan waxa ka mid ah; Saxarada, waxay noqon kartaa mid aad u adag waxayna sameeyaan dhagaxyo loo yaqaan ‘coprolite’.

Hadaba sidee looga hortagi karaa dhagxaanta?

Nasiib wanaag, waxaa jira tillaabooyin fudud oo ka hortagi kara dhagxaantan ama kaa saari kara. Waxa ugu muhiimsan waa biyaha.

Cab biyo kugu filan si ay kaadida ugu milmaan oo ha cunin cunto badan, sidoo kale hoos u dhiga bakteeriyada afka. Taasi waxay kaa caawin kartaa ka hortagga dhagxaanta noocan ah.

Marka laga hadlayo dhagxaanta xameetida, nadaafadda afka, oo ay ku jirto inaad si joogto ah u cadayato, ayaa sidoo kale kaa caawin karta dhimista khatarta.

Cuntadu waa muhiim, gaar ahaan dhagaxaanta xameetida, oo ay ka dhalan karto cunista baruurta badan ama inaad tahay qof buuran.

Waxaa jira arrimo aan la iska ilaalin karin, sida in qofka da’diisa ay ka wayn tahay 40 sano. waxay kordhisaa halista dhagxaanta xameetida.

Sidoo kale, ka fogaanshaha cuntooyinka ay ku badan tahay kaalshiyamka iyo milixda, sida caanaha iyo isbinaajka, waxay kaa caawin karaan ka hortagga dhagxaanta kelyaha ama Xameytida ku sameysma.

Laakiin maxaa dhacaya mar haraba uu qofka ku dhagax ? Haddii aad dareento xanuun, waxaa lagaa saari karaa qaliin.

Marka laga hadlayo dhagxaan kelyaha, waxaad sugi kartaa ilaa ay dhagxaantu ka gudbaan kaadi mareenka una gudbaan kaadiheysta, oo ay ku gudbaan xilliga kaadida.

Dhagaxa xameetida si tartiib ah ayaa dhagxaanta looga saarayaa iyada oo la adeegsanayo qalab casri

Marka la soo koobo, waxaa jira daawayn badan oo kala duwan oo loo heli karo noocyada kala duwan ee dhagaxyada waxaana jira tallaabooyin maalinle ah oo aad qaadi karto kuwaas oo kaa caawin kara yaraynta khatarta samaynta dhagaxa.

Isha: BBC SOMALI