Golaha Ammaanka Oo Maanta Kulan Gaar Ah Ka Yeelanaya Xaaladda Somalia

0
388

Golaha Ammaanka Oo Maanta Kulan Gaar Ah Ka Yeelanaya Xaaladda Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo talaado ah waxaa kulan gaar ah ka yeelan doonaan xaaladda dalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho.

Golaha Ammaanka ayaa kulanka ay ka yeelanayaan dalka Soomaaliya uga hadli doona Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin doorashada dhaceysa oo weli aan heshiis laga gaarin iyo Arrimaha dhinaca Bani’aadamnimada.

Inta uu socdo kulanka Golaha Ammaanka ayaa waxaa warbixinno kooban kuna aadan xaaladda dalka jeedin doona Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, isagoona ka Warbixin doona Arrimo dhowr ah.

James Swan ayaa khudbadiisa diirada ku saari doona dadaalada kala duwan ee socda kuna aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada iyo Shirka Madaxda Soomaalida uga socda Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa khudbad ka jeedin doona Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Madeira, waxaana Golaha Ammaanka ay ka dhageysan doonaan Warbixin la xiriirta Ciidamada AMISOM iyo howlgalada la fuliyay.

Kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka yeelanayaan xaaladda Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada uu Muqdisho ka socdo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada, kaasi oo la filayo in heshiis looga gaaro khilaafka doorashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here