Dhex-Dhexaadintii Imaaraadka Ee Suudan Iyo Itoobiya Oo Fashilantay

0
301

Dhex-Dhexaadintii Imaaraadka Ee Suudan Iyo Itoobiya Oo Fashilantay

Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa waxaa ay sheegtay inay ka laabatay Hindisaha Dhexdhexaadinta ee ay ku doonaysay in lagu xaliyo muranka xuduudka ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Ethiopia.

Ilo-wareedyo ku dhow Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan ayaa sheegay inay Tallaabadaasi timid, kadib, markii ay ku gacan-sayreen Hindise ay Imaaraadka ku codsadeen in Mashariic Beereed laga hirgeliyo Deegaanka Al-Fashaqa ee Gobalka Gardef ee Bariga Sudan.

Hindisaha Imaaraadka waxa kale oo uu dhigayey in 25% oo ka mid ah dhulkaasi ay Beeraleyda Ethiopianka loo hibeeyo, si ay u tacbadaan.

Wargeyska Asharq ee ka soo baxa magaalladda Abu Dhabi waxa uu shalay oo Axad ahayd qoray inay Dowladda Imaaraadka si rasmi ah ugu wargeliyeen Dowladda Sudan inay ka laabteen Hindisihii Dhexdhexaadinta ee lagu xalin lahaa muranka dhulka Xuduudka ee u dhexeeya dalalka Sudan iyo Ethiopia.

Qoraal ay Dowladda Imaaraadka u dirtay Dowladda Sudan ayaa lagu xaqiijiyey inay Imaaraadka xushmeynayaan Mowqifka Sudan ee ku aadan baahida loo qabo in marka ugu horeyso meel la isla dhigo Xuduud-sameeyayaasha (Border makers).

Wasiirka Maaliyadda ee dalka Sudan, Jibriil Ibraahim waxa uu dhawaan sheegay inay Dowladda Imaaraadka soo bandhigtay inay 8 Billion oo Dollar ku maalgelin doonaan Mashaariic Beereed oo laga hirgelinayo Deegaanka Al-Fashaqa ee Gobalka Gardef ee Bariga Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here