Faah Faahin Kasoo Baxeysa Shil Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Wadada Burco Iyo Hargeosa

0
489

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Shil Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Wadada Burco Iyo Hargeosa

Wararka aan ka heleyno Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa waxaa ay ku warramayaan in barqanimadii Maanta halkaas uu ka dhacay Shil gaari oo geystay khasaaro dhaawac ah.

Shilkaas ayaa yimid, kadib markii gaari nooca Soomaalida u taqaano deyno uu ku dhacay laba gaari oo nooca raaxada ah, xili ay isaga hor yimideen inta u dhaxeeysa deegaanada Kalasharka iyo Galoolay oo dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Burco

Dad tegay goobta uu shilku ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in shilkaas ay ku dhaawacmeen laba qof, kuwaasi oo la geeyay Isbitaal, iyadoona uusan jirin wax kale oo khasaaero ah kana dhashay shilkaas.

Sawirro laga soo qaaday gaadiidka isku dhacay ayaa muujinayay in gaariga weyn oo ku socday xawaare sare uu ku dhacay laba gaari oo raaxo ah oo ku socdaalayay wadada xiriirisa Kalasharka iyo Galoolay ee hoostega Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdhreer.

Deegaano ka tirsan Somaliland ayaa waxaa dhowr jeer horey uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan loo sababeeyaa shilalka darawalada oo xawaare sare ku wada gaadiidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here