Sucuudiga Oo Dib U Soo Celiyay Markab Sida Kumanaan Neef Oo Laga Dhoofiyay Dekeda Barbara

0
436

Sucuudiga Oo Dib U Soo Celiyay Markab Sida Kumanaan Neef Oo Laga Dhoofiyay Dekeda Barbara

Markab Sida Kumannaan Neef Oo Adhi Ah Oo Boqortooyadu Sucuudigu Dib Usoo Celisay Somaliland
Markab Sida xoolo isugu jira Adhi iyo Geel ayaa dib loogu soo celiyey Dekedda Caalamiga ah ee Magaalada Berbera, Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo laga soo celiyay Waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, dejintiisuna ka socotay xalay Dekedda.

Inkasta oo aanay wali Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah shaaca uga qaadin xaaladda Markabkan lasoo celiyay Haddana waxa shalay laga rogayay rarka xoolahaasi oo waddanka Sucuudigu ku sheegay kuwo aan caafimaadkoodu wanaagsanayn sidaana ay ku amreen in dib loogu soo celiyo goobtii laga raray.

Warqad Ay soo saartay Wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo Waraabka ee Waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo ay ku saxeexan yihiin Saraakiisha Maxjarka Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee Magaalada Jiddah kuna sheegeen mid sir ah (Confidential) oo ay ku saxeexan yihiin Maamulaha Maxjarka Xawaannada iyo Dhirta ee Dekedda Magaalada Jiddah Xaamid Bin Turki Al-xarbi Iyo Dhakhtarka Gaarka ah ee Maxjarka Xayawaannada ee Dekedda Jiddah Mudane Sacuud Caydah Al Thubayti, kuna taariikhaysan 25/10/1441 oo ku beegnayd 17-ka Bishan Juun laguna socodsiiyay Maamulaha Guud ee Kastamadda Dekedda Jiddah, Maamulaha Guud ee Dekedda Jiddah iyo Maamulaha Amniga ee Dekedda Jiddah ayay ku yidhaahdeen sidan:

“Ujeeddo: Celin Rarka Saaran Markabka BANYAS Meeshii Uu Ka Yimid

Annaga oo ka duulayna amarkii Nambarkiisu ahaa 7/B/ kuna Taariikhaysnaa 11/11/1409 ee la xidhiidhay ilaalinta Caafimaadka xoolaha ee dalka loo soo dhoofiyo, sidoo kalena isha ku hayna Nidaamka sharci ee Maxjarrada Xoolaha ee dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka Carabta iyo sharciga fulinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee waafaqsan Qaraarka Golaha Wasiirrada ee Nambarkiisu yahay 109 kuna taariikhaysnaa 30/04/1424.

Maalintii Arbacada ee Taariikhdu ahayd 25/10/1441 waxa soo gaaday halkan Markabka lagu magacaabo Baniyaas oo ka yimid dalka Soomaaliya kaasi oo siday 15980 neef oo Adhi ah iyo 544 Neef oo Geel Ah oo ay dalka keeneen Magacyada ku cad Maanafeestada. Markii la eegay waraaqaha ee la koray Markabka, baadhitaano oogadiisa ahna lagu sameeyey, sidoo kalena laga qaaday shaybaadhka lagama maarmaanka ah ee loo diray Laabka shaybaadhka waxa caddaaday sidan:

Natiijooyinka baadhitaankaasi waxa ay muujiyeen in ay jiraan xaalado Caafimaad. Waxaanu rajaynaynaa in lagu celiyo dhammaan waxa uu sido Markabka BENIYAS meeshii uu ka yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here