DAAWO : Shirkada TELESOM Oo Mar kale Qalab Caafimaad Ku Wareejisay Wasaarada Caafimaadka

0
412

DAAWO : Shirkada TELESOM Oo Mar kale Qalab Caafimaad Ku Wareejisay Wasaarada Caafimaadka

Shirkadda Telesom ayaa qalab caafimaad oo loogu talo galay in lagu tacaalo xanuunka Covid19 ku wareejisay wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Munaasibada wareejinta oo ka dhacday xarunta kaydka dawooyinka ee cusbitaalka guud ee Hargeysa maanta [Isniin] waxaa, ka soo qayb-galay wasiirka horumarinta caafimaadka, wasiirka Diinta iyo Awqaafta, xubno kale oo bahda caafimaadka ah, guddomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka shirkadda Telesom iyo xubno kale oo maamulka Telesom ah.

Munaasibadan ayey shirkaddu ku wareejisay qalabka caafimaadka oo lacagtiisu dhameyd $640,000 oo dollar, waxaana qalabkaasi guddoomay wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cabdilaahi Badde, waxaanu uga mahadnaqay shirkadda Telesom deeqdaasi, waxaanu sheegay inay tahay deeqdii ugu muhiimsanayd ee soo gaadha wasaarada tan iyo intii uu bilaamay Covid19.

Halkan ka daawo shirka jaraaid ee deeqdan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here