Akhriso:- Qodobo Hordhac Ah Oo Lagasoo Saaray Shirkii Jabuuti Uga Socday Somalia Iyo Somaliland

0
370

Akhriso:- Qodobo Hordhac Ah Oo Lagasoo Saaray Shirkii Jabuuti Uga Socday Somalia Iyo Somaliland

Waxaa xalay lasoo gaba gebeeyay Shirkii xasaasiga ahaa ee dalka Jabuuti uga socday dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Soomaaliland kaas oo 5-tii maalin ee ugu dambeysay ka socday halkaasi.

Shirka oo markii hore ay ka qeybgaleen furitaankiisa madaxweynaha Jabuuti,Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Guddoomiyaha golaha wakiilada Soomaaliland,madaxweynaha Soomaaliland iyo Wasiiro ka kala socday labada dhinac ayaa looga hadlay qodobo xasaasi ah oo dhinacyadu ay isku hayeen taas oo sababtay in dhowr jeer shirka lagu kala tago inkasta oo dib la iskugusoo laabanayay.

Guddiyo laba dhinac ah oo loo saaray shirka iyo sii socoshadiisa ayaa gaba-gabdii soo saaray dhowr qodob oo hordhac ah isla markaana ay Soomaaliya iyo Soomaaliland ay ku heshiiyeen.

Heshiiska hordhac ah waxaa si wadajir ah u saxiixay Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliland Yaasiin Xaaji Faratoon,waxaana qodobada ay kala yihiin sidaan.

1: Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan.

2: Sidii dib loogu dhisi lahaa Kalsoonida labada dhinac ay isku qabi karaan.

3: Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiridoona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiridoona waddanka Jabuuti.

4: Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah ku shiridoona waddanka Jabuuti.

5: Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada.

Shirkaan ayaa la aaminsanyahay in uu ka duwanaa shirarkii hore in kasta oo ay jireen caqabdo hareeyay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dhaqabgelinta qodobada heshiisyadii horay loo gaaray maamulka Hawada qeybsida Kaalmada caalamka iyo qodobo kale iyada oo ay jirto iskusoo dhawaasho laga sameeyay waloow guddiyada loo saaray wadahadalada ay sii wedi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here