Wafdiga Somaliland Uga Qeyb Galaya Shirka Jabuuti Oo La Shaaciyay

0
442

Wafdiga Somaliland Uga Qeyb Galaya Shirka Jabuuti Oo La Shaaciyay

Magaalada Hargeysa ayaa Goordhow waxaa ka duulay Madaxweynaha Somalilad Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo, iyagoo kusii jeeda Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.

Wafdiga Madaxweyne Muuse ayaa waxaa kamid ah Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulkaas.

Madaxweye Biixi Cabdi iyo wafdiga la socda ayaa dalka Jabuuti uga qeyb geli doona Shir u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu shir Guddoomin doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa kaloo shirka lagu Casuumay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, sida lagu sheegay Qoraal gelinkii dambe uu soo saaray Madaxweyne Geelle, isla markaana uu ku shaacinayay in Maanta oo Axad uu kulan siin doono Farmaajo iyo Biixi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa iyaguna kusii jeeda dalka, si ay uga qeyb galaan shirkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here