Dowladda Somalia Oo War Ka Soo Saartay Go’aankii Kenya Ku Joojisay Duulimaadyadii Tooska Ee Muqdisho Iyo Nairobi

0
544

Dowladda Somalia Oo War Ka Soo Saartay Go’aankii Kenya Ku Joojisay Duulimaadyadii Tooska Ee Muqdisho Iyo Nairobi

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa war-saxaafaddeed ay soo saartay uga hadashay go’aankii ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, go’aankaas oo lagu tilmaamay in uu yahay mid siyaasadeysan, xiriirna lala sameyn doono hey’adaha ay khuseyso arrintaan.

Hoos ka Akhrisoo war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ka soo baxay.

” Dowlada Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay aad uga xuntahay go’aanka ay gaartay
dowladda Kenya ee ahinduullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nayroobi ee
loo leexiyay magaalada Wajeer, talaabadaas oo ay dowladdu u aragto mid culeys lagu
saarayo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.

DFS waxay u aragtaa arrintani mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsanayn xiriirkaderisnimo, is-afgaradyadii hore ee labada dowladood ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isusocodkalabadashacab.

DFS waxay u taagan tahay dhawrista sharafta iyo karaamada ummadeeda iyo
qaranannimadeeda,waxayna ugu baaqaysaa dowladda Kenya in ay dib u fiiriso tallaabadan
culeyska ku ah ganacsiga iyo isusocodka labada shacab ee walaalaha ah.

DFS waxay xiriir la sameyn doontaa hay’adaha ay khuseyso arrintan, iyadoo qiimeyneysa
tallaabada ku haboon ee ay qaadeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here