Madaxweynihii Masaska ka cararay oo xafiiskiisa dib ugu laabtay

0
627

Madaxweynihii Masaska ka cararay oo xafiiskiisa dib ugu laabtay

Madaxweynaha Liberia, George Weah ayaa xafiiskiisa dib ugu laabtay kaddib markii labo toddobaad uu ka maqnaa halkaasi markii laba Mas oo madmadow lagu arkay dhismaha xafiiska u ahaa madaxweynaha gaar ahaanna meel ku aaddan xafiiska uu madaxweynaha fadhiisto.

Waxaa Kimiko lagu buufiyay dhismaha si Masaska looga saaro ka hor inta aanan madaxweynaha lagu wargelin in dib ugu laabto xafiiskiisa Arbacadii.

Horraan, Masaska waxay ku carareen god ku dhex yaallay dhismaha markii shaqaalaha ay dooneyn inay goobta ka saaraan.

Markii uu madaxweyne Weah ku laabtay xafiiskiisa, qofkii ugu horreeyay ee booqda waxaa uu ahaa madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalkaasi, Joseph Boakai,oo looga adkaaday doorashadii sannadkii 2017-kii.

Weah waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay ka go’antahay xoojinta dimuqraaddiyadda,dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Xafiiska madaxweyanaha Liberia ayaa loo raray dhismaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi kaddib markii uu dab qabsaday dhismaha madaxtooyada sannadkii 2006-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here