Barasaabkii hore ee magaalada Nairobi oo xabsiga loo taxaabay

0
597

Barasaabkii hore ee magaalada Nairobi oo xabsiga loo taxaabay

Barasaabkii hore ee magaalada Nairobi,Evans Kidero ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu eedeeyay inuu geystay falal musuq maasuq ah.

Kidero waxaa lala xiray madixii hore ee shaqaalaha ee dowladda hoose ee Nairobi George Wainaina. sida ay wararku sheegayaan.

Mar sii horreysay, Garsoorayaasha dalka Kenya waxay sheegeen inay jiraan caddeymo muujinaya inay dambiyadan loo heysto 17 mas’uuliyiin uu kamid yahay Kidero.

Waxay intaasi ku dareen inay lacago isdaba mariyeen isla markaasna lagu helay musuq maasuq.

Qareenada u doodaya dadka eedeymaha loo heysta weli kama aysan hadlin arrintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here