Madaxweynayaasha Kim Jong Un Iyo Putin Oo Markii Ugu Horeysay Kulmay+Maxay Ka Wada Hadleen

0
617

Madaxweynayaasha Kim Jong Un Iyo Putin Oo Markii Ugu Horeysay Kulmay+Maxay Ka Wada Hadleen

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku heshiiyay inay xoojin doonaan xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeyo labada dal xilli ay yeesheen kulankii ugu horreeyay.

Aqalka looga arrimiyo Ruushka ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadli doonaan barnaamijka Nukliyerka ee Kuuriyada Waqooyi balse Kim ayaa la filaya inuu taageero u raadsado Ruushka markii uu fashilmay kulankii uu la qaatay madaxweyne Trump.

“Waxaan ku kalsoonahay booqashada aad ku timid Ruushka, waxay tani naga caawineysa in aan xallino dhibaatooyinka ka taagan Gacanka Kuuriya iyo sida Ruushka uu uga qeyb qaadan doono taageeridda geeddi u socodka nabadda ee gobolka” ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Dhinaca kale, hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah isla markaasna ay ka go’antahay in la xoojiyo.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi,Kim Jong-un ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalo xeebeedka Vladivostok ee dalka Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here