Xaalada Balcad oo saaka degan iyo Ciidamada dowladda oo dib u qabsaday Balcad

0
467

Xaalada Balcad oo saaka degan iyo Ciidamada dowladda oo dib u qabsaday Balcad

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Kooxdii Al-Shabaab ee xalay weerarka ku qabsaday degmadaas ay xalay xilli dambe isaga baxeen, iyadoo ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen.

Sida ay sheegayaan wararka Al-Shabaab ayaa muddo shan saac ku sugnaa gudaha degmada, iyagoo la wareegay saldhigga Booliska iyo xarunta maamulka.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay dib ugu soo gurteen dhanka Buundada, gaar ahaan Warshadda Dharka Balcad oo ay meel ku dhow saldhig ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada ay saaka caadi tahay, iyadoo xalay u aheyd habeen cabsi iyo walwal ah oo saacado lagu kor dagaalamayay.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dab qabadsiiyeen qeybo ka mid ah saldhigga Booliska iyo dukaan ku dhow Saldhigga, waxaana ay sii daayeen maxaabiis ku xirneyd saldhigga.

Lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkii xalay, iyadoo maamulka degmada ay sheegeen inay sameynayaan tirakoobka khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Degmada Balcad ayaa Muqdisho u jirta 30KM, waxaa ay ka mid aheyd degmooyinkii laga saaray Al-Shabaab sanadkii 2012.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here