Amaanka masaajida qaarada Yurub oo la adkeeyay kadib weerarkii New Zealand

0
670

Amaanka masaajida qaarada Yurub oo la adkeeyay kadib weerarkii New Zealand

Waxaa heegaan sare la galiyay amaanka masaajida ku yaal qaarada Yurub kadib weerar-kii maanta ka dhacay New Zealand.

Arintaan ayaa timid kadib markii ay soo baxday cabsi ku aadan weeraro suura gal ah in lagu qaado masaajida Muslimiinta.

Dalalka qaarada Yurub oo sanadihii danbe ay ku sii baaheysay islaam Naceyb ka ayaa dhalisay in dowladaha qaar ay ciidamo geeyaan goobaha ay ku cibaadeestaan.

Dhanka kale culimada muslimiinta ayaa bogaadiyay in dowladaha Yurub ay sugan amniga.

Si kastaba ha ahaatee hogaamiye yaasha Muslimiinta caalamka ayaa si xoogan u canbaareeyay xasuuqii ka dhacay New Zealand.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here