Madaxweynaha Iiraan oo booqasho ku gaaray magaalada Baqdaad

0
595

Madaxweynaha Iiraan oo booqasho ku gaaray magaalada Baqdaad

Madaxweynaha wadanka Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa ka degay magaalada caasimada ah ee Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Ujeedada safarkan ayaa ka danbeysa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo la dagaalanka kooxda la magac baxday dowlada Islaamka ah ee ku sugan Suuriya iyo Ciraaq.

Ruuxaani ayaa isniinta maanta ah waxaa si diiran u soo dhaweeyay wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cali Xaakim.

Waxaa uu booqan doonaa xarunta lagu magacaabo Shiica Shrine ee ku taal magaalada Baqdaad isaga oo deetana la kulmi doona dhigiisa ciraaq Mr Barxaam Saalax Ra’isul wasaare Cabdul Caadil Mahdi iyo siyaasiyiinta kale ee Shiicada.

Tan iyo markii xilka loo doortay sanadkii 2013-kii madaxweyne Ruuxaani waxaa kor u sii kacayay xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Ciraaq iyo Iiraan.

Milatariga Iiraan ayaa dhanka kale ka taageeray ciidanka dowlada oo dib ula wareegay magaalada Moosil ee waqooyiga Ciraaq,oo ay in mudo ah gacanta ku hayeen kooxda Daacish

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here