Madaxweynaha dalka Uganda oo mar kale u gafay shacabka iyo Dowladda Somaliya

0
709

Madaxweynaha dalka Uganda oo mar kale u gafay shacabka iyo Dowladda Somaliya

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa mar kale jeediyay hadal meel ka dhac ah oo uu u gaystay dalka Somaliya, kadib markii uu u soo qaatay tusaale xun Somaliya.

Isaga oo ka hadlaayay kiis ku saabsan Askari ka tirsan Ciidamada Dalka Uganda oo dharbaaxay haweenay, ayaa wuxuu sheegay askarta aanan laheyn asluubta Ciidanka inay soo qortaan codsi ah in Somaliya loo soo diro.

Wuxuu sheegay qof Ugandhees ah in la dharbaaxo inay tahay dambi wayn oo qalad ah, sidaasi awgeedna askarta aanan dooneyn ku dhaqanka sharciga dalka Uganda inay soo dalban karaan Codsi Somaliya loogu diro, maadaama Somaliya ay tahay meel aanan sharci ka jirin ayuu yiri.

“Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qayliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbali karin, waana gafweyn oo Bulshadda ceeb ku ah, Askarta aan la heyn Asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmi karin, waxaan u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay, Haddii aad careysan tahay waxaad i weydiisan kartaa dal ku galka Soomaaliya , Maxaa yeelay halkaasi ayaa looga baahan yahay Gardarada.” Ayuu yiri Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni

Waa markii labaad oo Madaxweynaha dalka Uganda uu jeediyay hadal meel ka dhac ku ah Shacabka & Dowladda Somaliya, iyadoo la wada xusuusto hadalkii uu ku sheegay in Somaliya aysan ka jirin wax dowlad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here