Madaxweynaha Maamulka Puntland oo magacaabay taliye iyo Agaasime cusub Madaxtooyada Puntland

0
622

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo magacaabay taliye iyo Agaasime cusub Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa u magacaabay  taliye iyo taliye ku-xigeen cusub  ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha  Puntland ayaa taliyaha ciidanka madaxtooyada loogu magacaabay G/dhexe Barkhad Cabdullaahi Yuusuf halka ku xigeenkiisa loo magacaabay G/shaanle Mu’min Cabdi Shire.

Sidoo kale Madaxweynaha  cusub ee Puntland ayaa qoraal kale ugu magacaabay Agaasimha guud ee madaxtooyada  Maxamed Cabdilladiif Yuusuf oo hore ugaga mid ahaa shaqaalaha hay’adaha Samafalka.

Madaxweyne Deni oo isbedel ku wada Maamulka Puntland ayaa waxa uu sidoo kale u magacaabay Cabdiweli Cali Cabdulle Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here