Maxaa sababay sii deynta duuliyihii Hindiya ee ay Pakistan heysatay?

0
486

Maxaa sababay sii deynta duuliyihii Hindiya ee ay Pakistan heysatay?

Dadweyne faro badan oo reer Hindiya ah ayaa isugu soo baxay meel u dhow xadka ay la wadaagaan dalka Pakistan, iyagoo u diyaar garoobayay sii deynta duuliye u dhashay Hindiya oo ay gacanta ku dhigtay Pakistan.

Hindiya ayaa horay uga dalbatay Pakistan in si nabad ah loo sii daayo duuliyaha.

 

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Cimraan Khan ayaa sheegay in duuliyaha xorriyaddiisa dib loo siin doono maanta oo Jimce ah, iyadoo laga leeyahay “Ujeeddo nabadeed”.

Go’aanka ay xukuumadda Islaamabaad qaadatay ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay taliska ciidamada milatariga ee Dalka Hindiya.

Dad fara badan oo reer Hindiya ah ayaa isugu soo baxay xadka, si ay duuliyaha u soo dhaweeyaanLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionDad fara badan oo reer Hindiya ah ayaa isugu soo baxay xadka, si ay duuliyaha u soo dhaweeyaan

Duuliye Abhinandan Varthaman oo taliye u ahaa garab ka tirsan ciidamada cirka ayaa diyaaraddii uu waday Arbacadii lagu soo riday gobolka ay labada dowladood ku muransan yihiin ee Kashmiir.

Mas’uuliyiinta labada waddan ayaa cadaadis xoog leh lagu saarayaa iney dajiyaan xiisadda colaadeed ee ka soo dhex cusboonaatay.

Maanta oo Jimce ah ayuu Ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi sheegay in dhacdooyinkii maalmihii ugu dambeeyay dhacay “ay sababeen midnimada qarankiisa”.

“Habka uu qarankeenna taageerada ugu muujiyay ciidankeenna wuxuu ahaa mid qeyrul caadi ah, arrintaasna waxaan uga mahad celinayaa qof walba oo u dhashay Hindiya”, ayuu yidhi Modi.

Maxaa sababay qabashada duuliyaha?

Maalintii Talaadada ahayd ee lasoo dhaafay ayey Hindiya duqeysay saldhigyo ay sheegtay iney leeyihiin kooxo mintidiin ah oo ku sugan gudaha Pakistan.

Horay waxaa loo shaaciyay muuqaal laga arkayay duuliyaha oo indhaha ka xiranLahaanshaha sawirkaPAKISTAN INFORMATION MINISTRY
Image captionHoray waxaa loo shaaciyay muuqaal laga arkayay duuliyaha oo indhaha ka xiran

Duqeymahaas oo ay Hindiya ku tilmaantay aargoosi ayaa daba socday weerar Ismiidaamin ah oo 14-kii Febraayo lagu qaaday ciidamada Hindiya, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 40 askari.

Koox hubeysan oo ka dhisan Pakistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo noqday kii ugu khasaaraha badnaa oo muddo 30 sano ah gudahood ah ka dhaca qeybta ay Hindiya ka maamusho gobolka Kashmiir.

Dowladda Pakistan, oo beenisay iney wax lug ah ku leedahay weerarkii 14-kii Febraayo, ayaa sheegtay ineysan waddo kale u furneyn ayna ku khasban tahay iney aargoosi ka sameyso duqeymaha Hindiya ay Arbacadii ka fulisay dhulkeeda.

Arrintaas ayaa sababtay in Paklistan ay labo diyaaradood oo Hindiya laga leeyahay kusoo riddo dhulka ay ka maamusho Khamiir, iyadoo gacanta ku dhigtay mid ka mid ah duuliyeyaashii diyaaradahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here